DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo Ku Baaqay Midnimo Siyaasadeed

0
119

Madaxweyne Ku-xigeenka dalkani Kenya, Prof. Kithure Kindiki, ayaa ugu baaqay dhammaan xisbiyada siyaasadeed ee taageersan dib-u-doorashada Madaxweyne William Ruto inay ilaaliyaan midnimada, iyadoo dalka uu isu diyaarinayo doorashada guud ee sannadka 2027.
Kindiki ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada Maralal ee ismaamulka Samburu, halkaas oo ay si rasmi ah ugu soo dhaweeyeen xubno ka tirsan Xisbiga Jubilee oo ku biiray (UDA).
Waxa uu sheegay in mideynta xisbiyada taageersan dowladda ay muhiim u tahay sii wadidda ajendaha horumarinta dalka.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sidoo kale xusay in waxqabadka dowladda ee dhinacyada horumarinta uu yahay fariinta ugu weyn ee ay ku geli doonaan ololaha doorashada 2027, isagoo sheegay in mashaariicda la fuliyay ay caddeyn u yihiin ballanqaadyadii ay shacabka u sameeyeen.