Ruto: Himilada Mustaqbalka Kenya Waa Inay Ka Timaaddaa Shacabka

0
105

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay inuu bilihii la soo dhaafay la tashiyo la yeeshay hoggaamiyeyaal qaran oo xil haya iyo kuwo hore, isagoo sidoo kale si gaar ah ula kulmay dhallinyaro ka kala socotay dhammaan qaybaha dalka.
Ruto ayaa sheegay in wada-hadalladaas ay ku qanciyeen hal arrin oo muhiim ah, taasoo ah in himilo qaran oo hagta Kenya jiilka soo socda aan lagu qori karin dowladda ama koox yar oo khubaro ah oo keliya.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in himilada mustaqbalka Kenya ay tahay inay ka dhalato hannaan qaran oo ay hoggaaminayaan shacabka, diiradduna saaran tahay muwaadiniinta iyo qorsheynta mustaqbalka dalka.
Wuxuu sheegay in habkan uu xaqiijin doono in aragtida cusub ee Kenya ay noqoto mid ay si wadajir ah u leeyihiin dhammaan shacabka, isla markaana ka tarjumaysa rabitaankooda iyo himilooyinkooda mustaqbalka.