Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa ku andacooday in Boqortooyada Midowday UK ay joojisay iskaashigii milatari ee ay la lahayd Kenya isla markaana ay u wareejinayso Tanzania, kadib markii uu sheegay in Baarlamaanka Kenya uu dalbaday laaluush.
Gachagua wuxuu sheegay in Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Dibadda ee baarlaamaanka uu dalbaday 3 bilyan si uu u oggolaado cusboonaysiinta heshiiska.
Hase yeeshee, guddoomiyaha guddigaas, Nelson Koech, ayaa si adag u beeniyay eedeymahaas, isagoo sheegay in ansixinta heshiisyada iyo is-afgaradyada caalamiga ahi ay tahay shaqada laanta fulinta ee dowladda, ee aysan ahayn Baarlamaanka.
Gachagua wuxuu sidoo kale sheegay in dalabka laaluushka uu ku qasbay Ciidanka Ingiriiska inay xaruntooda tababarka milatari ka wareejiyaan Kenya una guuraan dalka deriska ah ee Tanzania.
Isagoo ka hadlayay munaasabad kaniisadeed oo ka dhacday kaniisadda St. Teresa ee deegaanka bartamaha Imenti , ismaamulka Meru, maalintii Axadda, Gachagua wuxuu ku eedeeyay musuqmaasuqa ka jira dowladda iyo Baarlamaanka inuu carqaladeeyay heshiiska maamula xarrunta tababarka ee milatariga ingiriirksa ee BATUK.
Wuxuu sheegay in BATUK, oo muddo tobannaan sano ah ka howlgalaysay Nanyuki, lagu qasbay inay beddesho qorshayaashii tababarka kadib markii wadahadalladii lagu cusboonaysiinayay heshiiska difaaca ay hakad galeen.
Gachagua wuxuu ku eedeeyay xubnaha Baarlamaanka ee gacanta ku hayay heshiiska inay hor istaageen cusboonaysiintiisa.
Hadalladiisa ayaa yimid kadib markii Wasaaradda Difaaca ee UK ay xaqiijisay in tababar milatari oo Ingiriisku qorsheeyay inuu ka qabto Laikipia bisha Sebtembar uusan ka dhici doonin Kenya, maadaama aan la bixin rukhsadihii loo baahnaa si layligaas loo qabto.
Home Wararka Kenya Baarlamaanku oo iska difaacay eedeymaha musuqmaasuqa ee Gachagua ee ku saabsan ismari-waaga...




