DHAGEYSO:Shacabka Wajeer oo loogu baaqay in ay iska diiwaangeliyaan hannanka IEBC

0
369

Mas’uuliyiinta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ee Wajeer ayaa shacabka ku nool dowlad deegaankaasi ku boorriyay in ay iska diiwaangeliyaan hannaanka codeynta.
Dadweynaha ayaa la fahansiiyay muhiimadda ay leedahay in qofku uu qaato kaarka codeynta si sanadka 2022-ka uu u doorto mas’uul uu aaminsan yahay inuu wax ka beddelayo deegaankiisa.
Dadka naafada ah ee ismaamulka Wajeer ayaa guddiga IEBC u bandhigay walaacooda ku aaddan in aynan fursad buuxda u helin isdiiwaangelinta.
IEBC ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixisay in sanadka 2022-ka qofkii doonaya inuu u tartamo xil hoggaan looga baahan yahay inuu haysto shahaadada Degree

Shalay ayay ahayd markii IEBC ay guud ahaan dalka ka daahfurtay barnaamij wacyigelin ah oo soconaya hal isbuuc.
Ilaa 20-ka bishan, ololahan oo loogu magacdaray toddobaadka wacyigelinta codbixiyayaasha ayaa shacabka lagu fahansiin doonaa waajibaadka dastuuriga ee guddiga iyaga oo fursad u helaya in looga jawaabo su’aalaha ay qabaan ee la xiriira isdiiwaangelinta, geeddisocodka codeynta iyo xuduudda.