DHAGEYSO:Madaxweynaha oo shacabka ugu baaqay in ay doortaan madax leh hiigsi horumarineed

0
173
Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shacabka ku boorriyey in marka la gaaro doorashada guud ee sanadka 2027-da ay codkooda siiyaan musharraxiinta leh aragti fog oo dhanka horumarka ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in hoggaan xumo awgeed ay Kenya ka hartay waddamo ay ka mid yihiin Malaysia, Singapore iyo Korea oo ay 60 sano ka hor la siinayd.
Waxaa uu sheegay in marka laga soo tago inuu madaxweyne yahay, uu muwaadin ahaan jecel yahay in dalkiisa uu horumar gaaro.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay tahay in dadka u tartamaya jagooyinka siyaasadeed laga billaabo wakiilka deegaanka hoose ee MCA ilaa madaxweynaha si taxaddar leh looga fiirsado qofka loo codeynaya.

Waxaa uu dhanka kale sheegay in ilaa iyo hadda , 31 milyan oo qof ay isku diiwaangeliyeen caymiska caafimaadka bulshada ee SHA iyadoo 537,000 oo dadkan ka mid ah ay ku nool yihiin Kitui.