DHAGEYSO:Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka oo ku baaqay in la ixtiraamo warbaahinta

0
527

Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Ken Lusaka ayaa ku baaqay in la ixtiraamo madax bannaanida saxaafadda.
Waxaa uu xusay in warbaahinta ay tahay awoodda afaraad ee dowladnimada islamarkaana ay wariyaasha mudan yihiin in shaqada ay qaranka u hayaan lagu xushmeeyo.

Hadalka guddoomiye Lusaka ayaa ku soo aadaya ka dib markii dhawaan barasaabka dowlad deegaanka Bungoma Wycliffe Wangamati uu wariye ka howlgalo warbaahinta maxaliga ee Royal Media uu u hanjabay.