DHAGEYSO:Kulan ku saabsan amniga oo lagu qabtay Isiolo

0
433


Ka dib dagaal beeleedyo ka dhacay ismaamulka Isiolo oo dad lagu dilay ayaa waxaa halkaasi lagu qabtay shir looga hadlay arrimaha nabadgalyada.
Saraakiisha ammaanka oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Isiolo Herman Shambi ayaa kulan la qaatay waxgaradka beelaha dagaallamay.
Waxaa uu Mr. Shambi nasiib darro ku tilmaamay in weli iskudhacyada u dhexeya xoolo dhaqatada Samburu iyo Turkana ay sii socdaan shirka nabadeed ka dib sidaas awgeedna ay lagama maarmaan tahay in la adeegsado qaab kale oo caqabaddan lagu xallinaya.

Dhanka kale qaar ka mid ah wakiillada golaha hoose ee dowlad deegaanka Isiolo ayaa doonaya in laamaha ammaanka ay si dhow ula shaqeyaan odayaasha qowmiyadaha ay dirirtu ku soo noqnoqotay si xal waara loo helo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here