Wiil 7 sano jir ah oo kaxeeyay baabuur oo sabab u noqday in aabihiis xabsi la dhigo

0
685

Nin lagu magacaabo Ayuub Kinyajui ayaa lagu xiray deegaanka Gatanga ee ismaamulka Muranga ka dib markii uu wiilkiisa oo 7 sano jir u ogolaaday inuu kaxeeyo baabuurkiisa oo ahaa nooca Toyota Prado ee loo yaqaano TX .
Ayuub ayaa lagu soo oogi doona dacwad ka dhan ah inuu gaarikiisa u dhiibay canug yar aan qaangaar ahayn kaas oo aan haysan leesinka ama sharciga lagu kaxeeyo baabuurka.
Waxaa lagu wadaa in maanta maxkamad la soo taago si uu uga jawaabo fal dambiyeedka ah in wiilkiisa aan qaangaarin islamarkaana leesinka gariga haysan uu ogaalaado inuu wado baaburkiisa.
Muuqaal baraha bulshada lagu faafiyay ayaa laga dhax arkayay wiilka yar oo 7 sano jirka oo kaxeenayo gaariga.