Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo xaqiijisay 1,307 kiis oo Ebola ah, 377 qofna ay u dhinteen

0
136
Sawir: Shaqaalaha caafimaadka oo bukaan qaba cudurka Ebola ka qaadaya ambalaas, kana gelbinaya xarunta daaweynta Ebola ee Bunia, gobolka Ituri, ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo DRC ayaa sheegtay in tirada kiisaska la xaqiijiyay ee cudurka Ebola ay gaartay 1,307, halka 377 qof ay u dhinteen cudurka. Warbixin ay dowladda soo saartay fiidnimadii Isniinta ayaa lagu sheegay in kiisaskan laga diiwaangeliyay saddex gobol oo kala ah Ituri, Waqooyiga Kivu iyo Koonfurta Kivu. Dhanka kale, warar kale ayaa tilmaamaya in kiis cusub laga helay gobolka Haut-Uele, kaas oo xuduud la leh Suudaanta Koonfureed iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, ka dib markii qof cudurka qabay uu halkaas uga safray magaalada Bunia ee gobolka Ituri, balse uu markii dambe geeriyooday.
Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa wada baaritaanno lagu ogaanayo silsiladda faafitaanka cudurka iyo dadka la xiriiray bukaanka. Faafitaanka cudurka ee Haut-Uele ayaa ka dhigan in dhammaan waqooyi bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 15 milyan oo qof, uu hadda saameeyay Ebola. Gobolka Ituri ayaa ah xudunta dillaaca 17-aad ee Ebola ee dalka, kaas oo billowday bishii May, iyadoo cudurka uu marar badan ku faafay aasaska dadka u dhinta Ebola sababo la xiriira taabashada meydadka oo si fudud u gudbiya fayraska.
Shaqaalaha caafimaadka iyo hay’adaha gargaarka ayaa weli wajahaya caqabado ay ka mid yihiin qalab yari iyo kalsooni darrada ay qabaan qaar ka mid ah bulshada deegaanka. Dowladda ayaa sidoo kale mamnuucday isu imaatinnada dadweynaha ee afar gobol, oo ay ku jirto caasimadda Kinshasa, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka. Hase yeeshee, mucaaradka ayaa ku tilmaamay tallaabadaas mid siyaasadaysan, maadaama ay ka horreysay dibadbax la qorsheeyay oo looga soo horjeedo wax ka beddelka dastuurka.