Saddex qof oo dhintay xilli ay dayactirayeen dhuun biyaha wasakhda qaadda oo xirmatay gudaha Nairobi

0
142
Bulaacad ku taalla xaafadaha magaalada Nairobi

Saddex qof ayaa ku dhintay deegaanka Satellite ee duleedka magaalada Nairobi ka dib markii ay ku naf waayeen gudaha dhuun biyaha wasakhda qaadda ah oo ay isku dayayeen inay dayactiraan. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ay oksijiin la’aan ku haleeshay gudaha godka ay ku jireen, taas oo sababtay geeridooda.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in qofkii ugu horreeyay uu gudaha u galay dhuunta si uu u furo xannibaaddii jirtay balse uu ku xayirmay. Qof labaad ayaa isku dayay inuu soo badbaadiyo, hase yeeshee isaguna wuu ku xayirmay, halka qof saddexaad oo isna u degay samatabbixin uu sidoo kale ku geeriyooday isla goobta.
Dhacdadan ayaa caro ka dhalisay dadka deegaanka Satellite, kuwaas oo sheegay in dhuumaha biyaha wasakhda qaadda ee aaggaasi ay si joogto ah u xirmaan, arrintaas oo halis gelisa nolosha dadka deegaanka iyo shaqaalaha isku daya inay dayactiraan.
Dadka deegaanka ayaa ugu baaqay maamulka dowlad deegaanka Nairobi iyo hay’adaha ay khuseyso inay si degdeg ah u dayactiraan dhuumaha xiran isla markaana ay daboolaan godadka furan ee bulaacadaha, iyagoo sheegay in xaaladdaas ay weli khatar weyn ku tahay badqabka bulshada.