Hoggaamiyaasha gaashaan buurta NATO ayaa la filayaa in ay maanta dowladda Shiinaha u aqoonsadaan halis amni oo soo foodsaartay reer galbeedka.
Tani ayaa imaanaysa hal maalin un ka dib markii wadamada G7 ee ugu dhaqaalaha badan caalamka ay xukuumadda Beijing ku dhaliileen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul aadanaha.
Shiinaha ayay wadamadan ku eedeyeen in uu faragelinayo madax bannaanida Taiwan iyo Hong Kong.
Hasa ahaate Beijing ayaa iska fogeysay eedeymahan kuna tilmaantay kuwo sumcad dhaawac ah.