Wadamada ka tirsan dalladda G7 oo ah kuwa ugu dhaqaalaha badan caalamka ayaa dalbaday in baaritaano qoto dheer oo dhameystiran lagu sameeyo halka uu ka soo billowday cudurka COVID19.
Wadamadan ayaa kala ah Maraykanka , Ingiriiska, Faransiiska , Japan , Jarmalka, Taliyaaniga iyo Canada.
Dowladahan ayaa sidoo kale canaantay Shiinaha oo lagu eedeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul aadanaha kuwaasoo laga soo tabiyay gobolka Xinjiang.
Sidoo kale xukuumadda Beijing ayaa laga dalbaday in aynan faragelin madax bannaanida jamhuuriyadda Hong Kong .
Dhanka kale wadamada ku mideysan G7 ayaa sheegay inay qorsheynayaan in hal bilyan oo ah daawooyinka tallaalka ee COVID19 ay ugu deeqaan wadamada saboolka ah muddo hal sano gudihii ah.