DHAGEYSO:Hadaado oo la geeyay guddoomiye matalaya dowladda dhexe

0
357

Waxaa shalay magaalada Hadaado ee galbeedka Wajeer la geeyey guddoomiye cusub oo qaabilsan arrimaha amniga iyada oo tallaabadan ay soo dhaweeyeen shacabka oo sheegay in ay baahi wayn u qabeen in xafiiska guddoomiyaha halkaasi laga hirgeliyo.
Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda arrimaha deegaanka iyo keymaha Maxamad Ibraahim Cilmi ayaa sheegay in la qaybin doono abuur si geedo halkaasi loogu beero oo loo muujiyo bilicda deegaanka.
Waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday arrimaha amniga iyo dagaalka ay dowladda dhexe kula jirto argagixisada.

Senatarka ismaamulka Wajeer Dr. Cabdullahi Kabreeta oo dadweynaha ka codsaday in ay siyaasiyiinta iska cafiyaan ayaa dowladda dhexe uga mahadceliyay horumarka ay halkaasi ka hirgelisay.

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka galbeedka Wajeer oo ay Hadaado hoos tagto Axmad Qaloosh ayaa soo jeediyay in waxqabadkiisa qiimeyn lagu sameeyo oo hadii uu gaabad soo baxo uu xilka wareejin doono
Waxaa uu sidoo kale ka hadlay heerka deegaan ee maanta Hadaado la gaarsiiyay isagoo ku taliyay dulqaad siyaasadeed dhanka kalena xusay in ka siyaasiyiin ahaan ay ku heshiiyeen in khilaafkooda aan shacabka lagu kala qaybin.

Nasri Sahal oo ah xildhibaanad baarlamaanka si magacaabid ah ku gashay ayaa dadweynaha ugu baaqay in ay la shaqeyaan guddoomiyaha cusub sidoo kalena ay dhinac iskaga dhigaan qabyaaladda oo ayna u midoobaan danta guud.

Mudanaha Koonfurta Wajeer Dr. Maxamuud sheekh Maxamad Oomaar oo dowladda dhexe uga mahadceliyay sare u qaadidda Hadaado maamul ahaan ayaa dhankiisa sheegay in heerka maanta ay gaartay degmadaas ay tahay horumar ku soo kordhay ismaamulka Wajeer.
Waxaa uu shaaciyay in toddobaadka dambe magaalada Diif la geyn doono guddoomiye isaga oo dhanka kale soo hadal qaaday isbeddelkii ku yimid hoggaanka dowlad deegaanka Wajeer.

Xildhibaanka deegaanka Ceeldaas Aadan Keynaan weheliye ayaa codbixiyayaasha kula taliyay in ay fursad siiyaan mas’uuliyiinta ay soo doorteen balse ay kula xisaabtamaan waxqabadkooda.
Waxaa uu sidoo kale xusay in marka degmo maamul ahaan sare loo qaado laga dhaxlaya faa’iidooyin badan oo dhanka horumarka ah.

Isku duwaha ammaanka ee gobolka waqooyi bari Kenya Nicodemus Musyoki Ndalana oo arrinkan ka hadlay ayaa sheegay in sanadkii 2016-kii wargeyska rasmiga ee dowladda lagu soo daabacay in 4 magaalo oo ay ka mid tahay Hadaado laga dhigay deegaan.
Dadweynaha ayuu ka codsaday in ay la shaqeyaan mas’uulka cusub iyo saraakiisha kale ee maamulka oo ay u soo gudbiyaan warbixinnada ku aaddan falalka wax u dhimaya xasiloonida guud.

Waxaa uu sidoo kale xoolo dhaqatada waqooyiga dalka ku boorriyay in ay soo afjaraan iskudhacyada ku soo noqnoqday ee salka ku haya daaqa iyo biyaha isaga oo soo hadal qaaday qaraar laga soo saaray xaaladda Lagdera iyo Isiolo.
Isku duwaha ayaa sheegay in qaraarkaasi uu dhigaya in hadii ay dantu keenayso in shacabka ay deegaan kale u wareegaan loo baahan yahay in guddi loo saaro oo dhanka kale lagala heshiiyo si dhibaatooyin dhanka amniga ah looga hor tago.