DHAGEYSO:Farriin loo diray dadka doonayay in sanadkan ay ka xajiyaan Kenya

0
523

Ka dib markii maalin ka hor boqortooyada Sacuudi Carabiya ay shaacisay in sanadkan ay xajka gutaan ay u oggolaaneyso keliya 60,000 oo ah dadka deggan halkaasi isla markana laga tallaalay caabuqa Corona ayaa waxaa isa soo taraya walaaca ay muujinayaan dadka qorsheystay in ay ka tagaan Kenya.
Wasaarada xajka ayaa sheegtay in xajka sanadkan uu kaliya u furan yahay muwadiniinta iyo dadka ku nool boqortooyada Sacuudiga sida ay baahisay wakaaladda wararka Sacuudiga.
Sheekh Maxamad Shariif Cabdiwahaab oo ka tirsan shirkadaha qaada xujeda ee la shaqeeya golaha saree ee Muslimiinta dalka ee SUPKEM ayaan arrinkan ka wareysanay