Mareykanka oo sugaya jawaabta Iiraan ee ku saabsan hindisaha heshiiska xabbad joojinta

0
128

Wararka ku saabsan dadaallada cusub ee nabadeed ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ayaa sheegaya in labada dhinac ay doonayaan inay gaaraan heshiis hordhac ah oo lagu joojinayo dagaalka laguna soo celinayo isu socodka maraakiibta ee Marin biyoodka Hormuz, iyadoo wadahadallo ballaaran ay sii soconayaan. Qorshahan ayaa la sheegay inuu ka koobnaan doono saddex marxaladood oo kala ah in si rasmi ah loo soo afjaro dagaalka, xal loo helo xiisadda ka taagan Marin biyoodka Hormuz iyo in la furo muddo 30 maalmood ah oo wadahadallo dheeraad ah lagu galo.
Warbaahinta Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in qorshaha 14-ka qodob ka kooban ee Xukuumadda Washington ay soo jeedisay uu dhigayo in Iiraan ay ballanqaaddo inaysan sameysan doonin hub nukliyeer ah, isla markaana ay joojiso kobcinta yuraaniyamka ugu yaraan 12 sano. Qorshahan ayaa sidoo kale ku waajibinaya Iiraan inay wareejiso qiyaastii 440 kiiloogaraam oo yuraaniyam ah oo lagu kobciyay heerka 60 boqolkiiba.
Dhanka kale, Mareykanka ayaa la sheegay inuu si tartiib tartiib ah u qaadi doono cunaqabateynta saaran Iiraan, sii deyn doono balaayiin doollar oo hanti Iiraan leedahay oo la xayiray, isla markaana uu soo afjari doono go’doominta badeed ee dekedaha Iiraan. Labada dhinac ayaa sidoo kale dib u furi doona Marin biyoodka Hormuz muddo 30 maalmood gudahood ah ka dib saxiixa heshiiska.
Dadaalladan cusub ee diblomaasiyadeed ayaa imanaya iyadoo beesha caalamka ay ka walaacsan tahay saameynta colaadda ku yeelan karto dhaqaalaha iyo amniga gobolka Bariga Dhexe.