Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladdu ay hirgelinayso barnaamijyo horumarineed oo loo dhan yahay, iyadoo hubinaysa in bulsho ama gobol aan laga tagin.
Wuxuu sheegay in dowladdu ay mashaariic muddo dheer la sugayay ka fulinayso qaybo kala duwan oo dalka .
“Qayb kasta oo dalka ka mid ah waa muhiim. Sidaa darteed, waa inaan qorsheynaa horumarinta qayb kasta,” ayuu yiri.
Isagoo ka hadlayay safarkiisii horumarinta ee Laikipia, Madaxweyne Ruto wuxuu tilmaamay in Ismaamulka Laikipia hormar ahaan la takoori doonin.
Isagoo ballan qaad u sameeyay shacabka Laikipia ayuu haddana dhalliil u jeediyay mucaaradka.




