EACC oo digniin u dirtay saraakiisha ka shaqeeya xafiisyada dadweynaha ee ku lug yeesha siyasadda

0
162

Guddiga Anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa (EACC) ayaa dib u cusbooneysiiyay digniintiisa ku aaddan saraakiisha ka shqeeya xafiisyada dadweynaha iyo kuwa dowladda ee ku aaddan ku lug lahaanshaha siyaasadda xisbiyada inta ay xilka hayaan, iyagoo sheegay in dhaqanka noocaas ah uu wiiqayo kalsoonida dadweynaha isla markaana uu jebinayo mabaadi’da dhexdhexaadnimada ee ku xusan Dastuurka.
Isagoo ka hadlayay munaasabad geed-beereed ah oo ka dhacday qayb ka mid ah Kaynta Karura, Guddoomiyaha EACC David Oginde ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dadweynaha ay sharci ahaan loogu talagalay inay si dhexdhexaad ah ugu adeegaan dhammaan dadka Kenya iyadoon loo eegin xiriirka siyaasadeed.
Mr Oginde wuxuu sheegay in xayiraadaha ka dhanka ah ku lug lahaanshaha siyaasadeed ee saraakiisha dawladdu ay salka ku hayaan baahida loo qabo in la ilaaliyo caddaaladda iyo kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha dawladda.
Wuxuu ku boorriyay saraakiisha haya xafiisyada dowladda inay ka fogaadaan abaabulka siyaasadeed oo ay hawlahaas u daayaan siyaasiyiinta la soo doortay.