Ugu yaraan 3 qof oo ku dhintay qarax foolkaano ka dhacay Indonesia iyadoo la baadi goobayo 20 kale oo maqan

0
157

Mas’uuliyiinta Indonesia ayaa wada howlgal lagu baadi goobayo 20 qof oo buur fuulayaal ah ka dib markii qarax ka dhacay buurta foolkaanaha ee Dukono uu sababay dhimashada saddex qof. Qaraxa ayaa Jimcaha maanta ah ka dhacay jasiiradda Halmahera, iyadoo foolkaanaha uu hawada u diray qiiq iyo dambas gaaraya ilaa 10 kiiloomitir.
Hay’adda la socodka foolkaanaha Indonesia ayaa sheegtay in qaraxa uu la socday jugo xooggan, halka saraakiisha gurmadka ay sheegeen in tobanaan askari, booliis iyo kooxo samatabixin ah loo diray goobta. Sagaal ka mid ah dadka la la’yahay ayaa lagu sheegay inay kasoo jeedaan Singapore. Saddexda dhimasho ayaa waxaa kamid ahaa laba ajaanib ah.
Dowladda Indonesia ayaa horey u xirtay deegaanka foolkaanaha tan iyo 17-kii April ka dib markii la arkay dhaqdhaqaaqyo sii kordhaya. Dadka deegaanka iyo dalxiisayaasha ayaa looga digay inay ka fogaadaan agagaarka godka Malupang Warirang, iyadoo sidoo kale laga digay roob dambas ah, dhagxaan qarxa iyo qulqulka maadada lava-da. Buurta Dukono ayaa ka mid ah foolkaanayaasha ugu firfircoon Indonesia, waxaana tan iyo bishii March ee sanadkan laga diiwaangeliyay ku dhowaad 200 qarax.