DHAGEYSO:Wasaaradda Difaaca oo la wareegtay mashaariicda dib u dayactirka garoomada Kericho ee hakadka galay

0
181

Wasaaradda Difaaca ayaa la wareegtay maamulka iyo dib u dayactirka garoomada Kiprugut Chumo Stadium iyo Kapkatet Stadium ka dib markii ay hakad galeen dadaalladii lagu casriyeynayay si ay u gaaraan heerarka caalamiga ah. Dowladda ayaa tallaabadan qaaday iyadoo ay jireen cabashooyin la xiriira dib u dhac iyo maamul xumo ku saabsan mashaariicda garoomadaas.
Garoonka Kiprugut Chumo Stadium oo hore loogu yaqaanay Kericho Green Stadium ayaa weli ku jira xaalad burbur ah inkastoo malaayiin shillin lagu bixiyay dayactirkii lagu sameeyay sanadkii 2023. Waxaa sidoo kale soo baxay eedeymo ku saabsan in lacago badan oo loogu talagalay dib u habeynta garoonka si musuqmaasuq ah loo lunsaday.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in Wasaaradda Difaaca loo xil saaray inay dardargeliso dhismaha iyo dayactirka garoomada si loo xaqiijiyo in shaqada loo qabto si hufan oo waafaqsan heerarka loo baahan yahay. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in garoomadan ay muhiim u yihiin horumarinta ciyaaraha iyo kobcinta dhalinyarada gudaha dowlad deegaanka Kericho.
Dadka deegaanka iyo taageerayaasha ciyaaraha ayaa soo dhaweeyay tallaabada lagu wareejiyay mashruuca Wasaaradda Difaaca, iyagoo rajeynaya in dib u dayactirka garoomada si degdeg ah u dhammaado. Waxaa ay sidoo kale dalbadeen in baaritaan lagu sameeyo lacagihii hore loogu bixiyay mashruuca si loo ogaado cidda ka dambeysay dib u dhaca iyo burburka garoomada.