Afhayeenka dowladda, Dr. Isaac Mwaura ayaa sheegay in dowlada ay sii daaysay 23.4 bilyan si loo taageero ardayda dugsiyada, iyadoo buugaag, qalab waxbarasho iyo hawlo iskuul lagu maalgelinayo. Waxaana la shaqaaleysiiyay 100,000 macallin, la dhisay 23,000 fasal, waxaana socda qorshe lagu dhisayo 1,600 shaybaar oo ay ardada tijaabada ku sameeyaan iyo xoojinta waxbarashada farsamada.
Jaamacadaha iyo amaahda waxbarashada ee HELB ayaa helay qaab cusub oo maalgelin ah, iyadoo deeqaha iyo amaahda ardayda la kordhiyay ilaa 53.1 bilyan si arday kasta uu u sii wato waxbarashada. Dowlada ayaa ooga digtay maamulayaasha dugsiyadda inaysan waalidiinta ku dalacin kharashaadka waxbarashada.
Dr.Mwaura ayaa sheegay in dowladda ay hirgelisay nidaamyo cusub oo hufnaan iyo isla xisaabtan ku dhisan si loo hagaajiyo waxbarashada. Waxaa la adeegsanayaa nidaamka NEMIS oo xaqiijinaya tirada ardayda, meesha ka saaraya arday been abuur ah, isla markaana hubinaya in kheyraadka si siman loogu qaybiyo dhammaan dugsiyada dalka.
Nidaamkan ayaa lagu tilmaamay mid kor u qaadaya daahfurnaanta, isla markaana meesha ka saaraya musuq iyo isticmaalka aan sharciyeysneyn ee lacagaha waxbarashada.
Dhanka caafimaadka ayaa dowlada sidoo kale ka sameeyay horumar weyn. Tirada dadka caymiska leh ayaa kor u kacday oo gaartay ilaa 30.8 milyan, taas oo ah 65% dadweynaha.
Ku dhawaad 350,000 macallin ayaa helay caymis caafimaad oo cusub oo aan lacag lagu bixin goobta adeegga, iyadoo adeegyo cusub sida IVF iyo daawaynta dibadda lagu daray.
Barnaamijka guryeynta la awoodi karo ayaa abuuray shaqooyin badan, iyadoo 273,000 guri dhismahoodu socda, 640,000 shaqana la abuuray, halka 9,000 qof ay hore guryo u heleen.
Shaqooyinka dibadda ayaa sidoo kale la xoojiyay, iyadoo in ka badan 580,000 Kenyan shaqo ka helay dalal dibadda iyada oo loo marayo heshiisyo shaqo oo rasmi ah.
Ismaamulka Kajiado, mashaariic badan ayaa ka socda oo ay ka mid yihiin dhismaha isbitaallo qalab casri ah leh, suuqyo iyo warshado qiimahoodu yahay balaayiin, waddooyin waaweyn iyo mashaariic biyo.
Afhayeenka dowladda ayaa ku celiyay in dowladda ka go’an tahay horumarinta waxbarashada, caafimaadka, guryeynta iyo dhaqaalaha, si loo hubiyo mustaqbal barwaaqo ah oo loo dhan yahay.




