Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay howlgal ciidan oo loogu magac daray Project Freedom, si ay u gudbaan maraakiibta ku xayiran marin biyoodka Hormuz, iyadoo howlgalladu bilaaban doonaan saacadaha soo socda.
Dhankiisa Xildhibaanka ugu sarreeya ee baarlamaanka Iiraan Ebrahim Azizi ayaa sheegay in faragelin kasta oo Mareykanku ku sameeyo marin biyoodka loo arki doono mid xadgudub ku ah xabbad joojinta.




