Trump oo shaki ka muujiyay in soo jeedinta nabadeed ee Iiraan ay tahay mid la aqbali karo

0
179

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dib u eegis ku hayo soo jeedinta 14-qodob ah ee Iiraan ay soo gudbisay si loo soo afjaro dagaalka, isagoo sidoo kale ka digay in Mareykanka uu dib u bilaabi karo duqeymo haddii Xukuumadda Tehran “dabeecad xumo muujiso”.
Trump ayaa hadalkan ka sheegay gobolka Florida ka hor inta uusan raacin diyaaradda Air Force One, isagoo xaqiijiyay in loo soo bandhigay “fikradda heshiiska” ee Iiraan.
Soo jeedinta Iiraan ayaa lagu sheegay inay ku jirto dalabyo ay ka mid yihiin in la qaado xannibaadda badda, bixinta magdhow dagaal, iyo sii deynta hantida la xannibay, iyadoo sidoo kale la doonayo in muddo 30 maalmood ah lagu dhameystiro heshiiska nabadda.
Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa sheegay inuu shaki ka qabo in soo jeedintaas la aqbali karo, isagoo ku eedeeyay Iiraan in aysan weli “bixin qiimo ku filan” wixii uu ku tilmaamay falal ka dhan ah bani’aadamka iyo dunida 47-kii sano ee la soo dhaafay.