DHAGEYSO:Dhallinyarada oo ka dalbanaya IEBC inay si cad u soo bandhigto qorshayaasheeda

0
127

Qaar ka mid ah dadka ku nool ismaamulka Busia ayaa ka dalbaday Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka ee (IEBC) inuu muujiyo isla xisaabtan, isla markaana ay hubiyaan in doorashada guud ee soo socota ay noqoto mid xor iyo caddaalad ah.
Dadkan ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay si buuxda uga qeyb qaataan codbixinta sanadka soo socda, iyagoo ku boorriyay mas’uuliyiinta guddiga inay waajibaadkooda u gutaan si hufan oo daahfuran. Waxaa ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in kalsoonida shacabka dib loo soo celiyo.
Sidoo kale, waxaa ay muujiyay walaac ku saabsan in inkastoo tirada dadka is diiwaangeliyay ay kordhayso, haddana qaar ka mid ah muwaadiniinta ay ka baaqdaan codbixinta iyagoo ka cabsi qaba in codkooda la musuqmaasuqo.