Maxkamadda oo soo saartay awaamiir la xiriira dacwad lagu doonayo in deynta dalka laga dhigo mid sharci darro ah

0
37

Maxkamadda Sare ayaa qorsheysay inay soo saarto go’aankeeda 25-ka bisha Juun ee sanadkan, ka dib dacwad ay gudbiyeen muwaadiniin ay ka mid yihiin Senatar-ka ismaamulka Busia Okiya Omtatah. Dacwaddan ayaa lagu doonayaa in lagu sheego deynta dalka oo lagu qiyaasay 6.95 tiriliyan oo shillin mid sharci darro ah.
Kiiska ayaa sidoo kale waxaa lagu muransan yahay deymo la sheegay in la qaatay xilligii dowladdii hore ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyadoo dhinacyada dacwadda ay ku doodayaan in qaar ka mid ah deyntaas ay yihiin kuwo aan sharci ahayn oo aan loo saari karin canshuur bixiyeyaasha. Sidoo kale, Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa codsatay in laga saaro kiiska, iyadoo ku andacoonaysa in ay leedahay xasaanad sharci ah oo ay Kenya la saxiixatay 1963-kii.
Dowladda, oo ay taageerayaan Barlamaanka, ayaa ku doodaysa in kiiska uu yahay mid degdeg ah, maadaama ay socoto hanti dhowr gaar ah oo lagu sameynayo deynta dalka. Dhinaca kale, mas’uuliyiin hore oo ka tirsanaa xafiisyada hanti dhowrka ayaa codsaday in laga saaro dacwadda, iyagoo sheegay inay leeyihiin xasaanad ku saabsan falalkii ay qabteen xilligii ay xilka hayeen.
Maxkamadda ayaa fartay dhammaan dhinacyada inay soo gudbiyaan dukumentiyo iyo jawaabo dheeraad ah toddobaad gudihiis, si loo sii wado go’aamada hordhaca ah. Haddii codsiyada qaarkood la aqbalo, kiiska ayaa istaagi karaa, halka haddii la diido, maxkamadda ay si buuxda u dhageysan doonto dacwadda ka dhanka ah sharciyadda deynta dalka.