Kenya oo xoojisay dadaallada tallaalka intii lagu jiray todobaadka tallaalka adduunka

0
57

Todobaadka Tallaalka Adduunka oo sanad walbo la xuso 24-ka ilaa 30-ka April ayaa sanadkan diiradda lagu saaray muhiimadda tallaalka uu u leeyahay badbaadinta nolosha iyo ka hortagga cudurrada. Dowladda ayaa sheegtay in ololahan uu xoojinayo dadaallada lagu doonayo in dalka laga ciribtiro cudurrada lagu hortagi karo tallaalka.
Wasiirka Caafimaadka, Aadan Barre Ducaale, ayaa tilmaamay in Kenya ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu ballaarinayo adeegyada tallaalka, oo ay ka mid yihiin hirgelinta tallaalka HPV ee hal mar la qaato iyo xoojinta tallaalka dabeysha si loo ilaaliyo bulshada. Waxaa uu sidoo kale xusay in tallaalka duumada laga hirgeliyay ismaamullada ay cudurrada ku badan yihiin, taasoo gacan ka geysanaysa dhimista xanuunka iyo dhimashada.
Xoghayaha Joogtada ee Waaxda Adeegyada Caafimaadka, Dr. Ouma Oluga, ayaa sheegay in dowladda ay maalgelin ku samaysay nidaamyada kaydinta tallaalka si loo hubiyo tayada iyo badbaadada. Waxaa uu xusay in qalab qaboojiye oo casri ah la gaarsiiyay xaruumaha caafimaadka, isla markaana shaqaalaha caafimaadka la siiyay tababar iyo aqoon ay kula xiriiraan bulshada si ay u kordhiyaan kalsoonida tallaalka.
Agaasimaha Guud ee Caafimaadka, Dr. Patrick Amoth, ayaa dhankiisa sheegay in teknoolojiyadda casriga ah iyo nidaamyada xogta ay ka caawinayaan la socodka heerka tallaalka iyo gaarsiinta adeegyada meelaha fogfog. Waxaa uu adkeeyay in guusha barnaamijka tallaalka ay ku xirnaan doonto iskaashiga dowladda, shaqaalaha caafimaadka iyo bulshada, si carruurta iyo dadka nugul loo gaarsiiyo tallaal dhammeystiran.