Sagaal qof oo ku dhintay toogashadii labaad ee ka dhacda iskuul ku yaalla Turkiga laba maalmood gudahood

0
104

Turkiga ayaa waxaa ka dhacay toogasho iskuul oo galaaftay nolosha ugu yaraan siddeed arday iyo hal macallin, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mustafa Cifci. Dhacdadan ayaa ka dhacday dugsiga dhexe ee Ayser Calik ee gobolka Kahramanmaras, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 13 qof, iyadoo lix ka mid ah xaaladoodu ay aad u liidato. Weerarka ayaa sidoo kale sababay in weeraryahankii oo 14 jir ahaa uu halkaas ku dhinto.
Dhacdadan ayaa timid maalin ka dib toogasho kale oo ka dhacday koonfurta dalka, taas oo ay ku dhaawacmeen 16 qof ka dib markii arday hore oo iskuulka ka baxay uu rasaas furay, ka hor inta uusan is dilin. Labadan dhacdo oo is xigay ayaa gilgilay bulshada dalka.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa tacsi iyo niyad jab ka muujiyay dhacdooyinka, halka baaritaanno rasmi ah ay socdaan si loo ogaado sababta weerarradan.