Kooxo hubaysan oo weeraro culus ku qaaday caasimadda dalka Mali

0
64

Kooxo hubeysan ayaa qaaday weerarro qorsheysan oo ka dhacay guud ahaan dalka Mali, oo ay ku jirto caasimadda Bamako, sida ay sheegeen ciidanka dalkaas.
War qoraal ah oo ay soo saareen subaxnimadii Sabtida, milatariga Mali ayaa sheegay in “dagaal uu weli socdo”, iyagoo intaas ku daray in “ciidamada difaaca iyo kuwa amniga ay hadda ku hawlan yihiin iska caabbinta dagaalyahanada.
Dadka deegaanka ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay inay maqleen qaraxyo iyo rasaas culus oo maanta ka dhacaysay agagaarka saldhigga milatari ee Kati, oo ah xarun weyn oo ku taalla duleedka caasimadda Bamako.
Ciidamo ayaa la geeyay si ay u xiraan waddooyinka aaggaas.
Waxaa sidoo kale la soo sheegayaa weerarro ka dhacay magaalada Gao ee waqooyi-bari iyo Sevare oo ku taalla bartamaha Mali.