DHAGEYSO:Dowladda oo ballan qaad u samaysay qoysaska labadii qof ee lagu dilay Embu

0
79

Dowladda dalka waxay raaligelin ka bixisay dilkii 2 qof oo dibadbaxayaal ah oo ka dhacay Ishiara, ee ismaamulka Embu, waxayna ballan qaaday inay magdhow siin doonto qoysaska dhibanayaasha.
Maalmo ka hora yay ahayd markii ay Booliiska toogteen labo qof oo ka qeyb qaadanayay dibadbax ay uga cabanayeen adeeg xumo caafimaad oo ka jirta ismaamulka Embu.
Wasiirka Wasaaradda Adeegga Dadweynaha, Horumarinta Raasumaalka Aadanaha iyo Barnaamijyada Gaarka ah,Ruku ayaa ka hadlay sida ay dowladda u garab istaagi doonto qoysaska dhibanayaasha.