Ruto oo Kenyaanka qurba joogta ugu baaqay inaysan ku tirsanaanin warbixinnada baraha bulshada

0
66

Madaxweyne William Ruto ayaa uga digay Kenyaanka ku nool dibadda inay si buuxda ugu tiirsanaadaan baraha bulshada marka ay helayaan wararka dalka, isagoo tilmaamay jiritaanka xog khaldan, warar been abuur ah iyo macluumaad si ula kac ah loo marin habaabiyay. Waxaa uu ku boorriyay inay xaqiijiyaan wararka, maadaama ay jiraan warar si ula kac ah loo faafinayo oo dano siyaasadeed iyo kuwo gaar ah laga leeyahay.
Isagoo la hadlayay Kenyaanka ku sugan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga madaxweynaha ayaa muujiyay walaac ku saabsan dadaallada lagu qalloocinayo xaqiiqooyinka dalka. Waxaa uu sheegay in qofka ku tiirsanaada baraha bulshada uu u malayn karo in aan wax wanaagsan ka socon Kenya, balse uu ku adkaystay in dowladda ay waddo qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo dalka.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in dowladdiisa ay diiradda saarayso isbeddel dhaqaale oo waara, isagoo xusay in Kenya ay ka badbaadday khatar ay ku gali lahayd deyn bixin la’aan, taasoo uu ku macneeyay go’aanno adag iyo maamul dhaqaale oo feejigan. Waxaa uu intaas ku daray in barnaamijyada sida caymiska caafimaadka ee guud iyo qorshaha guryaha la awoodi karo ay horumar muuqda sameeyeen, isla markaana malaayiin Kenyaan ah ay ka faa’iideysteen.
Dhanka kale, madaxweynaha ayaa xusay in dib u habeyn lagu sameeyay beeraha ay kordhisay wax soo saarka, halka shaqo abuur iyo fursado shaqo oo dibadda ah ay kordheen. Waxaa uu sheegay in lacagaha ay dibadda ka soo diraan Kenyaanka qurba joogta ah ay sare u kaceen, isagoo uga mahadceliyay kaalintooda dhaqaale. Sidoo kale, waxaa uu ku boorriyay inay ixtiraamaan shuruucda dalalka ay ku nool yihiin isla markaana ay noqdaan safiiro wanaagsan oo matala dalkooda.