Murkomen oo amar ku bixiyay sii deynta aqoonsiyada ay hayaan hay’ado gaar loo leeyahay kuna hanjabay dacwad qaadis

0
164

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kipchumba Murkomen, ayaa amar ku bixiyay in dhammaan hay’adaha gaarka loo leeyahay ee haysta kaararka aqoonsiga qaran ay si degdeg ah ugu soo celiyaan milkiilayaashooda, haddii kale ay la kulmi doonaan tallaabo sharci ah. Amarkan ayuu ka jeediyay munaasabad lagu daahfurayay maamul hoosaadka Nuu ee dowlad deegaanka Kitui, isagoo muujiyay walaac ku saabsan tirada badan ee dadka aan haysan aqoonsiyadooda.
Murkomen ayaa sheegay in dad badan aysan kaararkooda lumin, balse ay uga tageen xaruumo sida isbitaallo, dukaamo, goobaha madadaalada iyo kuwa bixiya deymo aan rasmi ahayn, ka dib markii ay bixin waayeen lacago lagu leeyahay. Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in kaarka aqoonsiga uusan ahayn lacag sharci ah, isla markaana aan loo adeegsan karin dammaanad ama beddelka adeegyo iyo badeecooyin.
Wasiirka ayaa faray qof kasta oo aqoonsigiisa lagu haysto hay’ad inuu si degdeg ah u dalbado, isla markaana haddii loo diido uu arrinta u gudbiyo saldhigga booliiska ee ugu dhow. Waxaa uu intaas ku daray in hay’ad kasta oo sii haysata aqoonsi si sharci darro ah lagu qaadi doono tallaabo, si muwaadiniinta ay u helaan fursad ay ku gutaan waajibaadkooda muwaadinimo, gaar ahaan isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay jirto walaac ku saabsan kumannaan aqoonsi oo weli yaalla xaruumaha adeegyada dadweynaha, iyadoo dowladda ay sheegtay in in ka badan 152,000 oo aqoonsi aan weli la qaadan.