Shirkadda Duuumaha ee KPC ayaa shacabka u xaqiijisay in keydka shidaalka ee xaruumaha shirkadda uu ku filan yahay, inkastoo warar baahsan ay sheegayaan yaraanta shidaalka ee goobaha lagu buuxiyo baabuurta dalka oo dhan. Shirkadda ayaa sheegtay in keydka Nairobi, Nakuru, Eldoret iyo Kisumu uu hayo shidaal ku filan oo noocyada baabuurta, naaftada iyo shidaalka diyaaradaha, iyadoo si joogto ah loo cusboonaysiinayo dhammaan terminal-yada iyo bakhaarada shirkadda.
Shirkadda ayaa tilmaamtay in inkastoo wararka ka imanaya saldhigyada shidaalka ay muujinayaan yaraanta, haddana dhammaan terminal-yada iyo bakhaarada ay leeyihiin shidaal ku filan, isla markaana badeecooyinka ay u hoggaansamaan heerarka tayada ee qaran iyo caalami ah. KPC ayaa maamushaa shabakad dhuumaha dhererkeedu yahay 1,342 kiiloomitir, oo ka bilaabata Dekedda Mombasa kuna xirta keydyo muhiim ah oo gudaha dalka ah, taasoo u suurtagelineysa shirkadda inay ilaaliso kayd istiraatiji ah oo si joogto ah u bixiya shidaalka dalka oo dhan.
Si kastaba ha ahaatee, yaraanta shidaalka ayaa saameysay qaybo badan oo dalka ka mid ah, iyadoo lagu eedeeyay in qaar ka mid ah alaab-qeybiyeyaasha ay shidaalka haystaan. Ururada gaadiidka iyo milkiilayaasha matatu-yada ayaa dowladda ku booriyay inay xalliso xaaladda shidaalka si looga hortago kororka qiimaha, kaasoo si weyn u saameynaya ganacsiyada iyo dadka. KPC ayaa carrabta ku adkaysay inay ka go’an tahay hubinta sahay joogto ah oo tayo leh oo shidaal ah, iyadoo sii wadi doonta barnaamijyada joogtada ah ee hubinta iyo wacyigelinta si loo daboolo baahida qaran.




