Kenya iyo Mareykanka oo xoojinaya xiriirkooda kadib kulan uu Madaxweyne Ruto la yeeshay Xildhibaano Mareykan ah

0
101

Madaxweyne William Ruto ayaa Arbacadii ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Nairobi, wafdi labada xisbi ah oo ka socda Baarlamaanka Mareykanka, kulan kaasoo muujiyay xoojinta xiriirka labada dal.
Ruto ayaa sheegay in kulanka uu muujiyay iskaashiga sii kordhaya ee u dhexeeya Kenya iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, amniga, iyo ilaalinta deegaanka. Wafdiga booqday Aqalka Madaxtooyada ayaa waxa ka mid ahaa xildhibaanadda kala ah Lola Zinke, Tom Suozzi, Guy Reschenthaler, iyo Julia Brownley.
Madaxweynaha ayaa xiriirka Xukuumadaha Nairobi iyo Washington ku tilmaamay “mid saaxiibtinimo, xooggan, oo waara,” kaasoo ku dhisan dano wadaag iyo faa’iido isku mid ah. Waxaa uu xusay iskaashiga socda ee ganacsiga, caafimaadka, xasilloonida gobolka, amniga, iyo difaaca. Doodaha ugu muhiimsan ee kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa Barnaamijka Koboca iyo Fursadaha Afrika (AGOA) ee Mareykanka, kaasoo u oggolaanaya dalalka qaar ee ka hooseeya saxaradda inay badeecooyinkooda u dhoofiyaan Mareykanka iyagoo aan canshuur la saarin.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay fursadaha cusub ee iskaashiga ilaalinta deegaanka, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen xiisaha ay u qabaan wada shaqeyn ku saabsan keymaha qaranka, xayawaanka duurjoogta ah, iyo xeebaha dalka. Kenya ayaa weli ah xubin muhiim ah oo Mareykanka ka taageerta Bariga Afrika, gaar ahaan dadaallada nabad dhisidda iyo xasilloonida gobolka, iyadoo labada dal ay xiriir dhow la leeyihiin la dagaallanka argagixisada, gargaarka horumarineed, iyo wada shaqeynta caalamiga ah.