Hay’adda Bisha Cas ee Iiraan oo cambaareeysay weerarada ka dhacay 17 goobood oo rayid ah

0
167

Hay’adda Bisha Cas ee Iiraan ayaa sheegtay in duqeymo cirka ah oo ay maanta fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil ay saameeyeen 17 goobood oo rayid ah guud ahaan dalka.
Hay’adda ayaa ku tilmaantay bayaankeeda in weerarada rayidka ah aanay jirin wax sharci ah oo u oggolaanaya, maadaama sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada uu si cad u mamnuucayo weerarada lagu qaado dad aan is difaaci karin, kuwaasoo loo arko dambiyo dagaal.
Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in ugu yaraan 15 qof lagu dilay duqeymaha xalay oo ay Maraykanka iyo Israa’iil ka fuliyeen guud ahaan dalka.