Madaxa WHO oo muujiyay walaac ku saabsan weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ee goobaha nukliyeerka Iiraan

0
147

Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan badbaadada xaruumaha nukliyeerka Iiraan, ka dib weerarro ay fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil oo ka dhacay agagaarka warshadda korontada nukliyeerka ee Bushehr.
Tedros ayaa ka digay in weerar noocaas ah uu sababi karo shil nukliyeer ah oo leh saameyn caafimaad oo ba’an, taas oo halis gelin karta jiilal badan. Waxaa uu tilmaamay in colaadda sii kordheysa ay sare u qaadday khataraha maalinba maalinta ka dambeysa.
Hadalkan ayaa yimid ka dib markii Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomiga IAEA ay sheegtay in gantaal uu ku dhacay meel u dhow warshadda, isla markaana uu ku dhintay mid ka mid ah shaqaalaha goobta.
Warshadda Bushehr ayaa ah warshadda keliya ee nukliyeer ee ka shaqeysa Iiraan, waxaa ayna ku taallaa magaalada Bushehr oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 250,000 oo qof, isla markaana ah xaruun muhiim u ah warshadaha iyo awoodda militari ee dalkaas.