Wasiirrada dawladda Senegal ayaa laga mamnuucay dhammaan safarrada dibadda ee aan muhiimka ahayn, ka dib kor u kaca qiimaha saliidda ee ka dhashay iska horimaadka ka jira Iiraan, sida uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha dalkaas.
Isaga oo ka hadlayay isu-soo-bax dhallinyaro maalintii Jimcaha, Ousmane Sonko ayaa sheegay in qiimaha haatan ee foostada saliidda uu ku dhow yahay labanlaabkii loogu talagalay miisaaniyadda.
Sonko ayaa dib u dhigay safarro uu ku tegi lahaa dalalka Niger iyo Spain qayb ka mid ah xayiraadahan. Wuxuu sheegay in wasiirka macdanta uu ku dhawaaqi doono tallaabooyin dheeraad ah oo lagu dhimayo kharashka dawladda toddobaadka soo socda.
Tallaabadan Senegal ayaa ah tii u dambaysay ee ka timaadda qaaradda Afrika si looga jawaabo kor u kaca qiimaha saliidda, taas oo keentay in dalal badani ay yareeyaan cashuuraha shidaalka, qaarkoodna ay bilaabaan nidaamka qaybinta korontada
Intii uu ku guda jiray khudbaddiisa dhallinyarada, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in uuna doonaynin inuu “cabsi geliyo” dadka dhegeysanaya, balse uu doonayo inuu siiyo “dareen ku saabsan adduunkan oo ah mid adag,” isaga oo raaciyay in kasta oo xaaladdu adag tahay, dadka reer Senegal ay yihiin kuwo adkaysta.
In kasta oo Senegal ay leedahay wershadaha saliidda iyo gaaska oo hadda soo koraya, haddana waxay aad ugu tiirsan tahay shidaalka dibadda laga keeno.
Qaaradda Afrika , toddobaadkan dawladda Koonfur Afrika waxay uga jawaabtay kor u kaca saliidda iyadoo hoos u dhigtay cashuurta laga qaado batroolka, si loo xaddido kor u kaca qiimaha shidaalka ee kaalmaha.
Shidaal yaraan ka jirta Itoobiya ayaa ku qasabtay qaar ka mid ah hay’adaha dawladda inay shaqaalaha u diraan fasax sannadeed. Koonfurta Suudaan ayaa bilowday inay qaybiso korontada caasimadda Juba, halka Zimbabwe ay kordhinayso xaddiga ethanol-ka ee lagu daro batroolka.




