Iiraan oo sheegtay inay soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo Mareykan ah

0
148

Wakaaladda wararka ee Fars ayaa ku warameysa in nidaamyada difaaca cirka ee casriga ah Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo MQ-1 ah oo dul maraysay gobolka Isfahan.
Tani waxay timid ka dib markii ciidamada Iiraan ay ku dhawaaqeen inay soo rideen laba diyaaradood oo dagaal oo ay leeyihiin militariga Mareykanka, mid dulmaraysay koonfur-galbeed Iiraan iyo mid kale oo lagu soo riday Marinka Hormuz.
Waxaa wali socda baadigoob loogu jiro duuliyihii diyaarad ay Iran ku soo ridauy koonfur-galbeed halka mareykanka uu wali tartan ugu jiro sidii uu u badbaadsan lahaa duuliyahaas.