DHEGEYSO:Gachagua oo ballan qaaday inuu sii wadi doono dhaliilaha uu u jeedinayo Ruto ee hoggaanka iyo musuqmaasuqa

0
189

Hoggaamiyaha xisbiga DCP, Rigathi Gachagua, ayaa sheegay inuu sii wadi doono dhaliilaha uu u jeedinayo madaxweyne William Ruto ee hoggaanka iyo musuqmaasuqa.
Gachagua, oo ka hadlay deegaanka Githunguri ee ismaamulka Kiambu ayaa sheegay in hadallada adag ee madaxweynaha uu u jeediyay mucaaradka ay ka dhasheen kaliya muujinta khaladaadka hoggaanka iyo musuqmaasuqa baahsan, gaar ahaan qeybta caafimaadka.
Waxaa uu cadeeyay in mucaaradka aanu joojin doonin dadaalkiisa ilaa madaxweynaha laga saaro xafiiska doorashada soo socota.
Gachagua ayaa intaa ku daray in mucaaradka uu sii wadi doono kormeerka iyo shaacinta khaladaadka dowladda, gaar ahaan musuqmaasuqa la sheegay in uu ka socdo gudaha xafiisyada.