Ugu yaraan 11 qof oo ku dhintay dhisme ku dumay India

0
568

In ka badan 11 qof ayaa dhintay ka dib markii uu soo dumay dhisme ku yaallay magaalada Mumbai ee dalka India.
Dadka dhintay waxaa ka mid ah 8 carruur ah halka dhaawaca uu yahay 8.
Dhismaha ayaa ka koobnaa saddex dabaq waxayna dhacdadan ku soo beegantay ka dib roobab xooggan oo wadankaasi ka da’ay.