In ka badan 12 qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Myanmar

0
511

Diyaarad militari oo ku burburtay dalka Myanmar ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen ugu yaraan 12 qof.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay magaalada labaad ee ugu wayn dalkaasi ee Mandalay.
Diyaaradda ayaa ka soo duushay magaalada Naypyidaw waxayna ku wahajneyd magaalada kale ee Pyin Oo Lwin .
Afhayeenka militariga Myanmar Zaw Min Tun ayaa sheegay in shilka uu dhacay ka dib markii ay luntay isgaarsiinta , hawada oo aan wanaagsanayn awgeed.