DCI-da deegaanka bariga Kuria ee Migori oo xiray seddax Tuhmane oo dhac gaystay

0
387

Dambi Baarayaasha ka socda DCI deegaanka bariga Kuria oo si wadajir ah ula shaqeynaya saraakiisha Saldhigga Booliska Kegonga, ayaa xiray saddex tuhmane oo lala xiriirinayo dhac iyadoo dhacdada rabshadaha la soo sheegay habeenimadii ku beegneed 14 bishan Maarso sanadkan 2026.
‎Rag hubaysan wadada Getrimba ku dhacay Nin ay la socdeen qoyskiisa.
‎Dhibbanaha la dhacay ayaa waday gaarigiisa Toyota Probox oo ay la socdeen xaaskiisa iyo rakaab kale oo dumar ah, waxaana la kulmay koox ka kooban toddobo nin oo saarnaa saddex mooto, mid ka mid ahna uu ku hubeysnaa qori.
Burcdda waxay ka dhaceen KSh 320,000 oo shillinka dalka ah
Kooxdii falkani gaysatay oo goobta isaga baxsaday ayaa mar dambe gacanta lagu soo dhigay waxaana laga soo helay hub iyo rasaas ay falal dambeyeedka ku gaysanayeen.
‎Tuhmanayaasha Waxaa lagu kala magacaaba Samuel Nyamohanga Chacha, Yusuf Marwa Mwita , iyo Muniko Samwel Mwita.
‎Inta lagu guda jiray howlgalka, saraakiishu waxay soo heleen lambar ku diiwaan gashan mooto oo KMGU 643Y (Bajaj Boxer) oo looga shakisan yahay in loo isticmaalay dhaca, taleefan gacanta oo Samsung ah, iyo KSh 36,000 oo looga shakisan yahay inay qayb ka ahayd lacagta la xaday.
‎Tuhmanayaasha ayaa weli ku jira xabsiga booliiska inta baaritaannadu socdaan.
‎DCI waxay ku celineysaa ballanqaadkeeda ah inay hubin doonto badbaadada iyo amniga dhammaan muwaadiniinta, iyadoo ballanqaaday inay daba geli doonto dhammaan tuhmanayaasha ku lug leh dambiyada rabshadaha wata oo ay caddaaladda horkeeni doonto.