Mwangi oo soo jeediyay in la daldalo mas’uuliyiinta musuqmaasuqa leh si loo helo hoggaan diiradda saaraya dadka

0
617

Boniface Mwangi oo u ololeeya xuquuqda biniaadamka una tartamaayo xilka madaxtinimada dalka ee 2027-ka ayaa sheegay in haddii loo doorto madaxweyne uu soo jeedin doono in saraakiisha lagu helo musuqmaasuqa lagu daldalo meel fagaare ah. Wareysi uu siiyay raadiyaha Capital ayuu ku sheegay in mas’uuliyiinta lagu helo lunsiga hantida dadweynaha lagu fulin doono xukunka dilka taasoo ka dhici doonto Uhuru Park marka ay dhammeeyaan dhammaan racfaannada sharciga ah.
Mwangi ayaa xusay in Kenya aysan fulin xukun dil ah tan iyo 1987, markaas oo la daldalay Hezekiah Ochuka iyo Pancras Oteyo Okumu oo hoggaaminayay isku daygii afgambi ee fashilmay sanadkii 1982. Waxaa uu sheegay in talaabada uu soo jeediyay ay tahay mid looga hortagayo musuqmaasuqa baahsan iyo ku takrifalka hantida dadweynaha.
Sidoo kale waxaa uu si adag u dhaliilay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne William Ruto, isagoo ku eedeeyay inuu dalka u maamulayo sidii hanti gaar ah. Mwangi ayaa ku dooday in dano ganacsi oo la sheegay inay ku lug leeyihiin shirkadaha Bamburi Cement iyo Devki Group ay tusaale u yihiin sida awoodda loo adeegsanayo.
Intaa waxaa dheer, Mwangi ayaa cambaareeyay siyaasado uu ku tilmaamay kuwo culays saaraya shacabka sida ganaaxyada taraafikada iyo canshuuraha. Waxaa uu dhallinyarada ugu baaqay inay ka gudbaan doodaha internetka oo ay si dhab ah uga qayb qaataan doorashooyinka, isagoo sidoo kale ballanqaaday waxbarasho iyo daryeel caafimaad oo bilaash ah, biyo helid, iyo dib u habeyn lagu sameeyo maamulka iyo kaabayaasha dhaqaalaha si loo xoojiyo isla xisaabtanka dowladda.