DHAGEYSO:Wasiirka maaliyadda oo sheegay in miisaaniyadda dib loogu soo nooleynaya dhaqaalaha

0
472

Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka Mr. Ukur Yatani ayaa sheegay in miisaaniyadda uu maanta baarlamaanka hor geynaya ay tahay mid dib loogu soo nooleynaya dhaqalaha wadanka ka dib saameyn wayn oo uu ku yeeshay cudurka COVID19.
Waxaa uu xusay in miisaaniyadda oo ah qiyaastii 3.6 tiriliyoon oo shilin loo adeegsan doono si gaar ah qorshayaasha horumarineed ee ugu waawayn.
Barnaamijyadan ayaa kala ah sare u qaadidda wax soo saarka , la tacaalidda cuno yarida, caafimaadka iyo adeegyada guryeynta.
Wasiirka ayaa sheegay in la kordhin doono qarashka ku baxo barnaamij dhaqaale oo ay dowladda ku taageerayso shacabka uu sida gaarka ah u saameeyay cudurka.
Mr. Yatani oo difaacay deymaha ay Kenya ka qaadato dowladaha kale iyo hay’adaha maaliyadeed sida IMF ayaa xusay in la xaddidayo qarashaadka dowladda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in deymaha la qaato loo adeegsado fulinta mashaariicda horumarineed ee muhiimka ah.
Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale uu sii jiri doono barnaamijyada deegaanada kala duwan looga howlgeliyay dhallinyaro ka shaqeeya arrimaha deegaanka.
Waxaa uu tilmaamay in la shaqalaysiin doono dhakhaatiir iyo macallimiin dheeraad ah sidoo kalena la xoojin doono waaxda dalxiiska .
Dhanka kale qaar ka mid ah shacabka ayaa ka hadlay rajadooda ku aaddan miisaaniyadda sannadka 2021-2022-ka ee maanta la soo bandhigaya