Kenya oo cambaaraysay weerarada lagu qaaday wadamada khaliijka

0
250

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa cambaareeyay duqeymaha gantaalada ee lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada Mareykanka ee gobolka Khaliijka iyadoo dagaalka Bariga Dhexe uu socdo.
Tani waxay timid ka dib markii Iiraan, oo ka aargoosanaysa weerarro ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Sabtidii, ay bartilmaameedsatay Imaaraadka Carabta, Qatar, Sacuudi Carabiya, Ciraaq, Cumaan, Kuwait, Urdun iyo Baxrayn.
War-saxaafadeed uu Isniinta maanta ah soo saaray, Madaxweyne Ruto wuxuu ku tilmaamay in colaadda ay khatar weyn ku tahay nabadda iyo amniga caalamiga ah, isagoo ku baaqay in la sameeyo dadaallo lagu furayo wadahadallo lagu yareynayo xiisadda.
Madaxa golaha wasiirada ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa sidoo kale soo saaray talo bixin safar iyo badbaado ah oo loogu talagalay muwaadiniinta ku nool ama ka gudbaya Bariga Dhexe.
Wuxuu ku boorriyay muwaadiniinta Kenya ee ku sugan Khaliijka inay taxaddaraan, iska ilaaliyaan dhaqdhaqaaqyada aan muhiimka ahayn – gaar ahaan meelaha u dhow xarumaha militariga iyo goobaha dadweynaha ee ciriiriga ah – oo ay raacaan tilmaamaha hay’adaha amniga ee maxalliga ah.