Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Magoha oo mamnuucay in ardayda ay dugsiyada u qaataan gacmo-nadiifiye

Magoha oo mamnuucay in ardayda ay dugsiyada u qaataan gacmo-nadiifiye

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa macallimiinta ku amray inaynan oggolaan in ardayda ay dugsiyada la tagaan caagagga gacmo-nadiifiyaha ee loo yaqaano Sanitizer.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tallaabadan looga gol-leeyahay xaqiijinta badqabka carruurta.
Amarkan ayuu wasiirka soo saaray xilli uu saaka kulan la yeeshay saamiileyda tacliinta oo arrimo dhowr ah ka wada hadlay iyagoo ku sugan deegaanka waqooyiga Kariobangi ee ismaamulka Nairobi.
Magoha ayaa sidoo kale sheegay in ilaa iyo hadda boqolkiiba 99.9 ee arday ay dugsiyada dib ugu laabteen.
Waxaa uu sidoo kale xusay in dugsiyada ku yaalla 12 ka mid ah ismaamullada dalka lagu wareejiyay boqolkiiba boqol kuraastii loogu talagalay halka boqolkiiba 86 shakhsiyaadkii qandaraaskan la siiyay ay heleen lacagihii lagula heshiiyay.
Dhanka kale toddobaadka soo socdo ayaa lagu wadaa in dowladda ay gabdhaha ardayda ah u qaybiso suufka ay isku nadiifiyaan xilliga caadada.
Agabkan ayaa waxaa lagu qarash gelinayaa lacag dhan 470 milyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments