Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka Mr. Ukur Yatani ayaa lagu wadaa inuu maanta baarlamaanka ka hor akhriyo qiyaasta miisaaniyad sanadeedka dowladda.
Waxaa uu qorshuhu yahay inuu soo bandhigo miisaaniyad dhaqaale oo dhan 3.6 tiriliyoon oo shilin si dowladda ay u adeegsato sanadkan iyo 6-da bilood ee ugu horreysa sanadka 2022-ka.
Sanadkii hore miisaaniyadda dhaqaale ee dalka ayaa ahayd 2.91 tiriloyoon oo shilin halka sanadkii ka soo horeeyay ay noqotay 1.83 tiriloyoon.
Shalay ayay ahayd markii baarlamaanka la hor geeyay warbixin uu soo saaray guddiga maaliyadda iyo qoondeynta miisaaniyadeed ee uu guddoomiyaha ka yahay xildhibaanka deegaanka Kieni ee ismaamulka Nyeri Kanini Kega .
Waxaa warbixinta lagu soo jeediyay in baarlamaanka loo qoondeeyo miisaaniyad dhan 37.9 bilyan halka xubnaha guddigan ay ku talinayaan in waaxda garsoorka ay sanadkan hesho 17.8 bilyan oo shilin.
Sidoo kale wasaaradda maaliyadda waaxyaheeda qaabilsan badbaadinta bulshada iyo deegaannada ay inta badan abaaruhu saameeyeen ee loo yaqaano ASAL ayaa laga dalbaday in ay isku duba ridaan barnaamijyada ay dowladda dhexe ku taageerto waayeellada iyo shakhsiyaadka dhibaatooyinka u nugul si warbixin dhameystiran looga soo saaro.
Waxaa la filayaa in maamulka talada haya ee Jubilee uu sanadkan dhaqaale badan u qoondeeyo wasaaradda caafimaadka si loola tacaalo cudurka COVID19.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo gudaha wadanka laga dareemaya saameynta cudurka uu ku yeeshay wax soo saarka.