Ganacsatada Kwale oo taageeray howlgalka booliiska ee lagu xakameynayo kooxaha burcadda ah

0
199

Ganacsatada ku nool ismaamulka Kwale ayaa soo dhaweeyay amar dhanka ammaanka ah oo uu soo saaray Taliyaha booliiska gobolka Xeebta Cali Nuno, kaas oo lagu doonayo in lagu joojiyo kororka kooxaha dhallinyarada da’da yar ee rabshadaha wata, kuwaas oo lagu eedeeyay dhac iyo dilal ka dhacay deegaanka.
Milkiilayaasha ganacsiyada oo kulan ku yeeshay Diani ayaa sheegay in tallaabadan ay dib u soo celisay kalsoonidii ganacsatada, kuwaas oo bilo badan ku shaqeynayay cabsi weerarro, gaar ahaan xilliyada fiidkii.
Ganacsatada oo uu hoggaaminayay wakiilkooda Willis Ondeche ayaa sheegay in ganacsiyo badan lagu qasbay inay xirmaan xilli hore si ay uga fogaadaan isku dhacyo ay la galaan kooxo hubaysan oo wata baangado. Waxaa uu tilmaamay in weerarro soo noqnoqday ay sababeen dhimasho iyo khasaare dhaqaale oo weyn.
Ganacsatada ayaa sheegeen in amni darrada ay carqaladeysay shaqadii caadiga ahayd ee magaalooyin badan oo ka tirsan xeebta, iyadoo dambiilayaasha ay bartilmaameedsanayaan ganacsatada iyo macaamiishaba.