Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in qaaradda Afrika ay u baahan tahay inay si dhakhso ah u xoojiso soo saarista gudaha ee agabka caafimaadka, si ay u noqoto tiir muhiim u ah amniga caafimaad iyo madaxbannaanida dalalka Afrika. Waxaa uu cadeeyay in Afrika aysan sii wadi karin ku tiirsanaanta dawooyinka, tallaallada iyo qalabka caafimaad ee dibadda laga keeno, maadaama tani ay qaaradda u nugleyso badeecooyin tayo liita, kuwa been abuur ah, qiimo sare, carqalad ku timaadda sahayda, iyo culays dhaqaale oo saaran miisaaniyadaha caafimaadka.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu si wadajir ah ula qabtay Xarumaha Afrika ee Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada, intii lagu guda jiray shir madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee Itiopiya.
Waxaa uu sheegay in haddii Afrika ay gudaha ku soo saarto kala bar agabka caafimaad ee ay hadda soo dejiso, ay sanad kasta badbaadin karto tobanaan bilyan oo doolar, isla markaana ay kordhin karto helitaanka agabka caafimaadka, hoos u dhigi karto qiimaha, xoojin karto warshadaha gudaha, isla markaana abuuri karto shaqooyin cusub.
Waxaa uu sheegay in nidaamka wadajir u iibsiga agabka caafimaadka ee Afrika uu mideyn doono baahida dalalka, si warshadaha gudaha ay u helaan suuq joogto ah. Waxaa uu intaa ku daray in Afrika ay ka guurto dhoofinta kheyraadka ceeriinka ah iyo soo dejinta badeecooyinka la dhammeeyay, iyadoo la dhisayo silsilado wax soo saar oo heer gobol ah iyo heerar wax soo saar oo isku mid ah si Afrika ay si tartan leh ugu soo saarto badeecooyin suuqyada qaaradda. Waxaa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda cilmi baarista iyo horumarinta farsamada si loo gaaro madaxbannaani waarta.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa ugu baaqay dowladaha Afrika inay abuuraan jawi u sahla warshadaynta, oo ay ku jiraan siyaasad wanaagsan, kaabayaal shaqeynaya, sharciyo hufan, iyo maalgelin la heli karo. Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay hay’adaha maaliyadeed ee qaaradda sida Bangiga Horumarinta Afrika iyo Bangiga Dhoofinta iyo Soo Dejinta Afrika inay taageeraan mashruucyo la maalgelin karo. Waxaa uu sheegay in ganacsiga xorta ah ee Afrika uu guuleysan karo oo keliya haddii wax soo saarka Afrika uu noqdo mid xooggan, isagoo soo jeediyay in shir gaar ah la qabto si loo gaaro hadafka ah in ugu yaraan boqolkiiba 60 agabka caafimaadka Afrika lagu soo saaro gudaha qaaradda marka la gaaro sanadka 2040.
Home Wararka Kenya Ruto oo ku boorriyay bangiyada Afrika inay maalgelin siiyaan warshadaha dawooyinka ee...




