Ku xigeenka hoggaamiyaha xisbiga Jubilee Dr. Fred Matiang’i ayaa isku soo bandhigay musharraxa ugu habboon ee qaban kara xilka madaxtinimada dalka ee doorashada sannadka soo socda. Isagoo ka hadlayay furitaanka xaruunta gobolka iyo xaruunta xisbiga ee ismaamulka Nakuru, gaar ahaan Section 58, ayuu sheegay in haddii loo doorto madaxweynaha lixaad ee waddanka uu mudnaanta siin doono dib u habeyn lagu sameeyo waaxyaha caafimaadka iyo waxbarashada.
Hoggaamiyeyaal badan oo Jubilee ah oo la socday ayaa muujiyay taageeradooda, iyagoo sheegay in hoggaankiisa uu faa’iido u yeelan doono shacabka. Matiang’i ayaa ka tirsan yahay kooxda mucaaradka mideysan, kuwaas oo weli aan soo dooran musharrax keliya oo la tartama Madaxweyne Ruto doorashada 2027.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Matiang’i oo sheegay inuu yahay musharraxa ugu habboon doorashada 2027 isagoo ballanqaaday...




