Dowladda ayaa kordhisay tallaabooyinka amniga ee deegaanka Kainuk, oo ah deegaan xuduud ah oo u dhaxeeyay ismaamullada Turkana iyo West Pokot, ka dib weerarro burcad ah oo dhowaan dhacay sida uu Isniintii sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kipchumba Murkomen.
War uu soo saaray ka dib booqasho uu ku tagay halkaas, Murkomen ayaa sheegay in inkastoo barnaamijyo nabadeed oo dowladda hoggaaminayso laga fuliyay dooxada Kerio si xasillooni loogu soo celiyo, haddana ay jiraan meelo u baahan tallaabooyin ka sii adag si loo joojiyo weerarrada burcadda ee weli socda.
Murkomen ayaa waxaa safarka Kainuk ku weheliyay ku xigeenka Taliyaha Guud ee Booliiska Eliud Lagat iyo saraakiil amni oo ka kala socday Turkana iyo West Pokot.
Waxaa uu sheegay in howlgalka cusub uu isku dari doono uruurinta hubka sharci darrada ah, qabashada dadka bartilmaameedka ah, iyo tallaabooyin ka dhan ah dadka dhaqaale ahaan u taageera burcadda iyo kuwa la shaqeeya. Ujeeddada ayaa ah in la burburiyo kooxaha weerarrada geysta iyo shabakadaha ka dambeeya.
Sidoo kale waxaa uu ku boorriyay hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo shacabka inay iska kaashadaan arrimaha amniga si aan loo carqaladeyn howlaha socda. Murkomen ayaa adkeeyay in deggenaanshaha iyo nidaamka ay muhiim u yihiin guusha howlgalka.
Arrintan ayaa timid ka dib markii uu shaaciyay qorshe lagu ballaarinayo uruurinta hubka iyo barnaamijyada wacyigelinta bulshada ee dowlad deegaannada Turkana, Laikipia, Isiolo iyo Meru. Waxaa uu ballanqaaday in howlaha amniga la gaarsiin doono meelaha aan hore uga mid noqon howlgallada hub ka dhigista.




