Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya SAWIRO:Daabacadda kaararka Huduma oo socoto

SAWIRO:Daabacadda kaararka Huduma oo socoto

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho ayaa sheegay in lagu howlan yahay soo saaridda kaararka loo yaqaano Huduma.
Kaarkan ayaa dadweynaha u fududeyn doono helidda adeegyada dowladda.
Waxaa uu Kibichi sheegay in cid kasta oo nidaamkan iska diiwaangelisay ay dhawaan u soo dhici doonto fariin gaaban oo wargelin ah si loogu tilmaamo xilliga iyo halka uu kaarka Huduma ka qaadan karo.
Dr. Kibicho ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu kormeeray xarunta soo saaraysa kaararkan oo ay dowladdu sheegtay in looga gol-leeyahay qorsheynta iyo xoojinta adeegyada loo fidiyo dadweynaha.
Sidoo kale waxaa uu qorshuhu yahay in kaarka Huduma uu beddelo aqoonsiga qaran oo si tartiib ah looga gudbi doono isticmaalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments